“2 jeer ayaa la i khaarajin gaarey todobaadkii tegey!” – Imran Khan oo magacaabay 3 nin oo dilkiisa qorsheeyey

0

(Islamabad) 27 Maarso 2023 – Hanjabaadaha in la dili doono ayaa sii socon doona ilaa uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ee Imran Khan uu xukunka kusoo laabanayo oo uu la xisaabtamayo ragga khaarajin raba, sida uu u sheegay barnaamijka Going Underground ninka daadihiya ee Afshin Rattansi.

Khan ayaa u sheegay Rattansi inuu ka badbaadey laba isku day dil oo naftiisa lagu doonayey todobaadkii u dambeeyey – mid ka mid ah waxaa loo dhaadhiciyey “dabin dil” oo loogu diyaariyey meel ka baxsan maxkamad ku taal Islamabad.

Mid kale oo wakiillada sirdoonka dowladda ayuu sheegay inay qalqaalinayeen inay booliisku rasaas ku furaan dad badan oo taageeraya Khan kahor inta aysan “ka daba imaan” si ay u dhammeeystiraan howsha”.

“Khatartu waa dhab sababtoo ah dadkani waxay ku fadhiyaan kursiga,” ayuu yiri Khan. “Waxay ka xun yihiin in haddii aan ku guulaysto doorashada ay dhibaato la kulmi doonaan, ama lala xisaabtami doono.”

Wuxuu ku eedeeyey Ra’iisal Wasaare Shehbaz Sharif, Wasiirka Arrimaha Gudaha Rana Sanaullah, iyo Sarreeye Guud Faisal Naseer, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka, inay ka qorsheeyeen dilkiisa isu soo bax dhacay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay.

Khan, oo xilka looga qaaday mooshin kalsooni kala noqosho ah 7 bilood kahor, ayaa lugta ka dhaawacmay xilligaasi, waxaana la dhigay isbitaal.

Hadalsame Media