Gaarigii ugu horreeyey ee uu Turkigu sameeyo oo laga gudbiyey dalabyo aad uga badan kuwii la filayey (Isbeddel dhacay)

0

(Ankara) 26 Maarso 2023 – Baabuurkii ee ugu horreeyey ee Turkiga gudihiisa lagu sameeyo ayaa dalab aan caadi ahayn helaya taasoo keeni doonta in la sameeyo gawaari aad uga badan kuwii markii hore la qorsheeyey.

Gaarigan Turkiga sameega ah ee Togg waxa ay shirkaddu markii hore qorshaynaysey inay diyaariso 12,000 oo xabbo oo ah gaarigan korontada ku shaqeeya (EV) gaar ahaan nooca lagu magacaabo T10X, iyadoo iibsadayaashooda loo dooranayo qaab dhijitaal ah oo la qorsheeyey todobaadkan.

Hase yeeshee, labadaba cabbirka dufcaddii ugu horreysay ee koronto buuxda oo C-segment SUVs ah oo la qaybiyay, iyo sidoo kale taariikhda barbar-dhigga, ayaa la beddelay, shirkaddu waxay sheegtay Sabtidii, waloow gaarigan oo SUV ah dalabyo badan laga gudbiyey.

Togg Sabtidii ayaa sheegtay inay hadda qorshaynayso inay samayso ilaa 20,000 oo unug oo T10X iyadoo iibsadayaasha la kala saari doono Arbacada, halkii ay awal ka ahayd Talaadada.

Isbadalkan ayaa yimid maalin kaddib markii shirkaddu ay sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof ay soo gudbiyeen araajida ay ku doonayaan gaarigan kaddib markii la furay qaybta dalbashada gaarigan Turkiga ah.

Hadalsame Media