Taageerayaasha Celtic oo tuuryeeyey Steven Gerrard oo gool ka dhaliyey + Sababta (Daawo)

0

(Glascow) 25 Maarso 2023Steven Gerrard ayaa Rigoore ugu dhaliyay Halyeeyada Liverpool garoonka Anfield – waxaana tababarihii hore ee Rangers lagu tuuryeeyey walxo uga imanayey dhanka taageerayaasha Celtic ee safarka ahaa.

Rigoorada uu Gerrard u dhaliyey kooxda martida loo ahaa ayaa timid daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta oo ahayd mid khayri ah, wuxuuna si farxadi ku dheehan tahay ugu hor dabaaldegey jamaahiirta Celtic.

Taageerayaashii safarka ahaa ayaa deeto dareenkooda ku muujiyey tababarihii hore ee kooxda ay isku magaalada yihiin, iyagoo alaab ay ka mid yihiin dhalooyin iyo qadaadiic u tuurayey dhanka ciyaartoyda Liverpool u dabbaaldegayey.

Mid ka mid ah taageeraha ayaa xitaa u muuqdey inuu funaanadda Celtic ee cagaarka iyo cadaanka ah u tuuray dhanka Gerrard kaddib markii uu goolka dhaliyey.

Taageerayaasha Celtic Glascow ayaa aad ula xafiiltama kooxda ay isku magaalada yihiin ee Rangers FC.

Hadalsame Media