Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2023 – Boqorkii hore ee dalka Ethiopia Xayle Salaase wuxuu ku calaacali jiray intuusan geeriyoon, weligeey ma illoobi doonno dharbaaxo uu igu dhuftay wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Jeneraalkii dilay 250-ka Amxaarada ah.

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya 1964–1967 Axmad Yuusuf Ducaale “Keyse” ayaa waxaa dhacday sanadihii lixdameeyadii iyadoo uu socdo shirkii Organisationen for afrikansk enhed “OAU”, oo ay ku kulansan yahiin wasiiradda arrimaha dibadda iyo madaxweyneyaasha qaarada Afrika inuu dharbaaxay boqorkii Itoobiya Xayle Salaase, goobtu waa Addis Ababa caasimadda Itoobiya.

Sababta keentey inuu Wasiir Keyse dharbaaxo boqorkii Itoobiya waxay aheyd ka dib markuu yiri Xayle Salaase: “DHulka Soomaali Galbeed waa qeyb ka mid ah dalka Itoobiya, Soomaaliyana kama hadli karto mana sheegan karto”.

Wasiir Axmad Keyse oo aad uga carrooday hadalka boqorka Itoobiya ayaa dharbaaxo ku kala jiiday isagoo ku yidhi “Arrinta Soomaaliya iyo dhulkeeda kama hadli kartid waayo Soomaaliya waa qaran jira oo calan leh, waxayna ka tirsan tahay jimciyada quruumaha ka dhaxaysa”.

Intuusam geeriyoon Xayle Salaase waraysi laga qaaday wuxuu yidhi “Weligay ma illoobayo wiil yar oo wasiirka arrimaha dibadda u ahaa Soomaaliya sida uu ii dharbaaxay, sidoo kalena ma iloobi karo nin ka tirsanaa ciidamada xoogga Dalka oo la oran jiray Colonel Cilmi Nuur Tareey oo dagaalkii 1964 ciidan aywateen ku dileen Feer-Feer 250 askarta Itoobiya ah, aadban uga xummahay annigoon labada nin ka aarsan inaan xukunka ka tago”.

Waxaa xusid mudan inay wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo yimid magaalada Muqdisho ka codsadeen Maxamad Siyaad Barre inuu tuso Generaal Tareey oo markaas xabsi ugu jiray dowladdii millataryga ahayd ee soomaaliya.

– Maanta waxaan faan iyo Taageero la daba joognaa kuwa Amxaarka iyo oromada markay arkaan aan kaadida ceshan karin korna fiirin karin.

Xigasho: Cigaal Cabdulkadar Daahir

Hadalsame Media