”Fadlan waa dhimanaysaaye gabadha halla badbaadiyo!” – Xaalad wadne kurkur leh oo ka dhacday magaalada….

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2023 – Sidee xal loogu heli karaa hooyo iyo ilmo caloosheeda kujira oo noloshoodu ku xiran tahay saxiix qofkale? Halkan ka aqri qisasan oo kale….

Waa xili habeennimo ah saacaduna waxa ay kusii siisiqaysaa kala barka habeenimo, waxa aan ku suganahey mid kamid ah isbitaalada magaalada garoowe oo aan ku hayo walashay oo fool ah waxaan maqalnay

“Fadlan way dhimanaysaa gabadhaan, waan idin baryayaa gabadhaan hala badbaadiyo, nafteedu khatar ayey kujirtaa, waa qof dhan noloshiisa yaan lagu ciyaarin, wax kharash ah la idin kama rabo, waxaana usoo baxay banaanka waxaana arkay diktoorkii ugu sareeyay isbitaalka oo baryaya moobilkana kula hadlaya Aabaha gabdha foolanaysa dhalay iyo Sodogeed, sida la sheegay gabadha ninka ay uurka uleedahay way kala tageen namberkiisuna waa dan sanan yahay.

Xanuunka iyo taaha kayeeraya gabadhaas foosha ah, daqiiqad qof biniadam uma dulqaadan karo waxayna noqtay xaalkeedu qaliin si loo kala badbaadiyo iyada iyo ilmaha oo ay isla dhiman. balse diktoorku waxa uu ku dhawaaaqayaa, ka codsanayaa oo maraba Telefon kala hadalayaa Aabaha iyo Sodoga kaliya si ay u saxiixaan si lacag la’aan ah lagu kal badbaadinayo nolosha gabadhaas.

dadka isbitaalka joogay, kalkaalosooyinkii, shaqaalihii isbitaalka iyo dhamaan umadii waxa ay baryayaan. Waalidkii waxayna lee yihiin inshallh waxba gaari mayaan, waa lakala badbaadinayaa oo waa laqalayaa kaliya” balse nasiib xumo isku day kasta waa diideen…Waalidkii

Ilaahay waa Qafuuru Raxiim waana naxariis badnee, gabadhii waa ay dhashey oo alle ayaa badbaadiyey, iyada oo wali laga baryayo in ay ogolaadaan in gabadha la qalo.

Dhibaatadaan waxa ay ka jirtaa guud ahaan Somalia, waxaanse, si toos ah ugula kulmay aniga oo jooga isbitaalka yashfiin ee hooyada iyo dhalaankamagaalada garowe, gudoomiyaha isbitaalka ahna dhakhtarka ugu sareeya isbitaalka mohamed cali maslax, ayaa si kasta u baryey dadka Waalidka gabadhaas bukaaanka ah in la badbaadiyo balse nasiiib daro ay diideen.

W; Q: Umul Khayr Cawad

Hadalsame Media