Beeralayda Jaadka u dhoofiya dalka Somalia oo dalab cusub la yimid

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2023 – Beeraleyda qaadka ee gobolka Meru ayaa ka dalbaday baarlamaanka Kenya in qaadka ay ka saaraan liiska waxyaabaha loo aqoonsanyahay maandooriyaha.

Iyaga oo la hadlayay warbaahinta ayay sheegeen in waydiisteen codsigaan ha’adda NACADA ee Kenya u qaablisan ka hortaga daroogada, balse ay us heegtay hay’addu in codsigaan ay u gudbiyaan golaha sharci dajinta ee Kenya.

Mid kamid ah beeraleyda ayaa yiri : “waxaa jirta waqrad lagu weydiinayo[marka dalal shisheeye aan tagno], laakiin arrintan yaabka leh ah ayaa ah, dalalkaasi waxay ku doodaadayaan haddii ay dowladiinu qaadka u aqoonsan tahay daroogo, sidee u aqbalnaa innagu in qaadku yahay mid xalaal ah.”

Beeralayda ayaa doonaya in wax laga badalo Sharciga Xakameynta Daroogada e la ansixiyay sanadkii 1994 tii, kaas oo qaadka ku daraya daroogada kadib markii laga helay labada maaddo ee kala ah, Cathine iyo Cathinone oo waxyeelo u leh miyir bani’aadamka.

Sanadkii 2013 kii, madaxii hore ee hay’adda NACADA ayaa ku booriyay guddoonka baarlamaanka Kenya in ay qaadka ka saaraan liiska daroogada.

“Markii nayroobi baaritaan lagu sameeyay qaadka waxaa la ogaaday inuusan aheyn daroogo, bani’aadankana dhib u lahayn” ayuu yiri mid kamid ah beeraleyda.

Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya

Qaad

XIGASHADA SAWIRKA,.

Sida uu sheegay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaarad oo jaad wada ayaa maalin kasta ka dega magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacsatada Kenya sanadkiiba ay ka faa’iidaan lacag gaareysa $144 milyan oo doolar.

Balse mar Soomaaliya hakisay qaadka ka uga yimaada Kenya bishii Maarso ee sanadkii 2020 kii, waxay ganacsatadu sheegeen in ay galeen qasaare dhaqaale oo laxaad leh. Dawladda Soomaaliya waxay xilligaas sabab uga dhigtay xayiraadda qaadka safmarkii Covid-19 ee dunida ku wada dhuftay.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa xilligaas BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaari jireen lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

Qaadka Kenya horay waxaa loogu dhoofin jiray labo waddan: Ingiriiska iyo Soomaaliya. Balse sanadkii 2014 kii ayaa dawladda Ingiriiska waddankeeda ka mamnuucday isticmaalka qaadka. Soomaaliya ayaa noqotay halka suuq ee Kenya u dhoofin karto qaadkeeda, ilaa iyo haddana ah.

Dhoofinta qaadka Kenya ayaa dib loo fasaxay sanadkii aynu soo dhaafnjay, kadib heshiis laba geesood ah oo ay dhexmaray labada waddan.

BBC

Hadalsame Media