XOG CILMI AH: Taxa TOBAN faa’iido oo uu QARUHU u leeyahay qofka sooman

0

(Los Angeles) 23 Maarso 2023 – Ramadhaanku waa bil barakeysan oo ay Muslimiinta sanad walba soomaan 29-30 maalmood oo xiriir ah. Muddadaasi ay Muslimiintu sooman yihiin iney qofku tabarta u diiddo maahane waxaa si joogta miiska afurka laga waayin qaraha oo ah miro ku wanaagsan bi’inta oonka.

Muslimiinta istcmaalka qaraha xilliga Ramadhaanka waa mid ay caadeysteen balse waxay sida oo kale raad ku leedahay diinta Islaamka.

”Rasuulkeenna (scw) wuxuu isku cuni jiray qare iyo timirta,” sida Imaam Imaam Tirmidi (A.R) uu ku qoray kitaabka uu ka qoray ”Dawooyinkii Nabiga.”

Muslimiinta sooman intooda badan marka ay afurayaan halka ay biyo badan cabbi lahaayeen waxay ka door bidaan iney qaraha ama xabxabka cunaan ama ay sharaab ka dhigtaan.

Xabxabkuna bisha soon inta lagu jiro waxaa si weyn looga arkaa suuqyada khudaarta lagu kala iibsado.

qaraha

Dr Maxamed Cabdi Gabooose oo ka mid ah dhaqaatiirta Kenya ka howlgasha ayaan wax ka weydiinnay dhanka caafimaadka marka laga eego faaa’iidooyinka caafimaad uu qaruhu u leeyahay qofka sooman, isaga oo qodobbeeyey faa’iidooyinka uu u leeyahay qofka soman waxaa uu yiri:

  • Qaruhu qofka sooman wuxuu u soo celinayaa biyihi jirkiisa ka baxay oo biya ku filan ayuu jirka ka helayaa gaar ahaanna dadka dhulka kulul joogo fuuqbaxa ku dhacaya ayuu qaraha soo celinayaa
  • Qaruhu ama xabxabka waa cunto fudud oo qofka sooman aan dhibeyn
  • Tamarta qofka soomanaa ayuu dib u soo celinayaa maaddaama biyo iyo tamar wada socdo uu ka helayo
  • Dheefshiidka ayuu qaruhu u sahlan yahay oo caloosha kuma raagayo.
  • Qaruhu kuma jiro cunnooyinka keena daac-qururnka iyo caloosha iney fariisato
  • Qaruhu inuusan qofka appetite ka xireen sida cuntooyinka kale oo kale
  • Qaruhu waa cunto dabiici ah oo macdin badan oo jirka u baahan yahay laga helo
  • Miisaanka qofka ayuu hagaajiyaa
  • Qaruhu wuxuu gacan ka geystaa dajinta dhiig-karka iyo socodka dhiigga oo uu wanaajiyo
  • Qaruhu dadka cudurka macaanka qaba wey isticmaalin karaan oo waxaa ku jirto sokor dabiici ah oo aan qofka wax dhib ah u keeneyn maaddaama qaraha uu killiyaha sifeeyo halka sokorta aan dabiiciga ahayn ay kalliyaha saameyso.
.

Dr Gabooose wuxuu sheegay inkasta oo caddeymo buuxa oo dhanka saayniska aan loo heyn haddana iney jiraan dad aad u yar uu qaraha laabjeex ku kiciyo.

Wararka sheegay in dadka qaar uu xabxabku xasaasiyad ku keeno wuxuu dhakhtarku sheegay iney jiri karaan balse tiro ahaan ay aad u yar yihiin.

”Dadka macaanka iyo beer subagga qaba iney qaraha isticmaalaan aad ayey u wanaagsan tahay maadaamaa faa’idooyin caafimaad uu u leeyahay,” ayuu yri Dr Gabose.

Waxyaaba yaryarka ah marka laga reebo qaruhu waxaa kumaa kun jeer ka badan faa’idooyinka uu la leeyahay.

Daraasado cafimaad oo faa’iidooyinka qaraha ama xabxabka lagu sameeyey waxay tilmaamayaan qaraha iney ku jiraan maaddooyin cudurrada ka hortaga isla-markaana wanaajiyo muuqaalka maqaarka qofka.

Khubareada takhasuskoodu yahay cuntooyinka waxay sheegayaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka oo aan isticmaalno iney isugu jiraan kuwa waxtar aad u weyn noo leh iyo kuwa waxyeello dhanka caafimaadka noo keeni kara.

Waxaana inta badan saameynta caafimaad ee cuntooyinkaasi u geystaan jirkeenna ay ku xiran tahay habka aan u bisleyno, xaddiga aan cuntadaasi ka qaadanno, xilliga aan isticmaalno iyo waxyaabaha kale ee cuntooyinkaasi marka la sameynayo lagu daro.

Waxaana marag ma doonto ah sida ay khubaradu sheegayaan iney jiraan cuntooyin badan oo khatar caafimaad oo aad u weyn aan ka dhaxli karno oo dadkuna iyaga oo aan ogeen ay si joogta ah u isticmalaan.

BBC

Hadalsame Media