”Raggu uma babac dhigi karaan quruxdayda” – Gabar sheegtay inay la’dahay qof shukaansada quruxdeeda darteed + Fal-celinta dadka

0

(Los Angeles) 23 Maarso 2023 – Haweeney caan ka ah baraha bulshada ayaa sheegtay inay ku dhibban tahay inay hesho saaxiib, iyada oo ku andacoonaysa in nimanku aad uga ‘cabsanayaan quruxdeeda’ aan caadiga ahayn.

Hope Schwing oo 24-jir ah oo ku nool magaalada Los Angeles, California, ayaan weligeed cidna la yeelan xiriir dhab ah waxayna qirtay inaysan lahayn khibrad shukaansi oo badan.

Gabadhan kali joogga ah ee caanka ah ayaa ku doodday inay tahay gabar madaxbannaan oo aysan dareensanayn deg deg ku aaddan inay guursato haatan – si kastaba ha ahaatee waxay dhibaato ka haysataa inay xitaa saaxiib hesho balse waxay ku qiil samaysatay in quruxdeeda aysan raggu u babac dhigi karin oo ay ka cabsanayaan.

Waxay tiri: ”Ma jiro qof ka hadlaya sida ay u adag tahay inaad runtii aad u qurux badnaato ilaa xad aadan heli karin [saaxiib] sababtoo ah ragga oo dhan aad bay kaaga baqayaan oo way kaa cabsanayaan.”

Inaad aad u qurux badnaato run ahaantii waa habaar.” ayay raacisay, waloow ay Hope markii dambe ay qaybta faallada ku sheegtay inay kajan ula jeeddey misna muuqaalka waxaa daawaday in ka badan 3.7 milyan oo qof halka ay ”riyaaq” saareen in ka badan 474,000 oo qof.

Hadalsame Media