Taageerayaasha Barca oo la dhacay qaab uu Gavi uga aarsaday Dani Ceballos (Daawo)

0

(London) 20 Maarso 2023 – Ciyaaryahanka Barcelona ee Gavi ayaa muujiyey inuu bartay tabaha khiyaanada ah ee booska khadka dhexe kulankii Nou Camp kaddib markii uu la kacay Dani Ceballos intii lagu jirey ciyaartii El Clasico.

Hogaamiyayaasha La Liga ayaa sii dheeraystay hoggaanka horyaalka kafdib markii ay guul ka gaareen kooxda ay xafiiltamaan Axaddii taas oo ka dhigaysa in Barcelona ay 12 dhibcood haatan ka sarrayso Real Madrid.

Sergi Roberto ayaa kansalay gool uu iska dhaliyey Ronald Areujo daqiiqaddii 9-aad ee ciyaarta, kahor inta uusan Franck Kessie dhalin goolka guusha ee wiilasha Xavi labo daqiiqo markii uu socdey waqtigii lagu daray.

Jamaahiirta Barca ayaase waxay sidoo kale jeclaysteen in da’yarkooda khadka dhexe uu kusoo baxayo nin fahmaya shaqooyinka dhibka badan kaddib markii uu ka aarsaday laacibka R. Madrid ee Ceballos.

Ceballos ayaa markii hore soo jireeyey laacibka Polish-ka ah ee 9 u qaata Barca deeto waxaa la kacay Gavi oo arkayey.

Barcelona's teenage star Gavi appears to take revenge on Real Madrid's Dani Ceballos | Daily Mail Online

Hadalsame Media