2 sababood oo aysan u ansaxayn in maxaabiis la toogto & 3 kale oo ka dhalan karta

0
(Hargaysa) 21 Maarso 2023 – Maamulka Somaliland ayaa dagaalkii ugu dambeeyey ee Laascaanood sheegtay inay ku qabteen 8-9 maxbuus.

Warar shalay soo baxay ayaa waxay sheegeen inay maxaabiistaa saareen maxkamad millateri, waxaana lagu soo eedeeyey khiyaano qaran oo loo cuskaday qodobbada 184, 185, iyo 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee khuseeya Khiyaanada Qaranka iyo inay cadaw lasoo safteen kuna soo duuleen Qaranimada Somaliland, waa sida loo dhigay e.

Ha yeeshee waxaa jira 2 qodob oo Somaliland u diidaya inay maxaabiis toogtaan:

1 – Marka hore in maxaabiista la toogto waxay khalad ku tahay Diinta Islaamka, dhaqanka toosan iyo Cahdiga Geneva intaba.

2 – Somaliland maadaama aysan ahayn nidaam ama dowlad haysata sharciyad dowladeed oo rasmi ah maadaama aanay nidaam sharci ah uga go’in Somalia, xaq uma laha inay cidna ku oogto eed ku salaysan “Khiyaano qaran”.

SEDDAX KALE OO KA DHALAN KARTA?

1 – Inay dhinaca kalena dilaan maxaabiista ay qabtaan

2 – In madaxda Somaliland lagusoo oogo dembiyo dagaal iyo tacaddi dhanka xuquuqul insaanka ah.

3 – Sumcadda Somaliland oo aad u hoobata taasoo sidoo kale saamayn karta aqoonsigii uu maamulkani ku raadinayey inuu yahay “nidaam hufan oo xeeriya xukun wanaagga iyo dimoqraadiyadda.”

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media