Ma taqaan sabanta 21-ka Maarso loogu yaqaan Seermawaydo?

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2023 – 21 MARCH: Seermaweydo

Maanta waxay leedahay magac. Waa maalinta ay habeenka iyo maalintu isleegyihiin dhulka oo dhan. Haddii ay dhacdo in ay meelaha qaar in yar kala bataan, waa uun maalinta ay kala dheeraanta habeenka iyo maalintu isugu dhowyihiin.

Sannadka Nayruushka (NURUZ) ee ee laga tirsad Eeraan, Afgaanistaan, kurdistaan iyo meelo kale ayaa bilawda maalmahan. Sannadka Soomaalidu ma bilawdo xiligan ee wuxuu bilawdaa Juulaay aakhirkeeda. Bisha ay “samalaho”, yidhaahdaan

Waa isla maalmaha uu bilowdo xilliga guga ahi. xilliga kugu bilawdo waxay Soomaalidu u taqaan, Bisha Seermaweydo. Mararka qaarkood roobku dib buu uga dhacaa. Taasi waa sababta aan loogu beegin dhalitaanka idagaha. Idaha dhaliddooda waxaa lagu beegaa Bisha Cawl oo gu dhexdii ah. Waa marka ay dhacaan xiddigaha loo yaqaanno “Laxo” ama “urur”.

Waa ta Soomaalidu ku maahmaahda: “Markay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.
Sida Laxaha dhiciddooda iyo laxaha dhaliddooda la isugu beegayo, waxaa ku jira cilmi kale oo xeeldheer oo ka soo bilawda habeenka Dabtuurka (nayruushka Soomaalida).

Baariis adoon tagin
ama Boon ka sheekayn,
barashada dhulkaaga,
horto laga bogtaayoo,
baryo laysku hawlaa (Hadraawi)

W; D: Max’ed Cabdibashiir Xirsi

Hadalsame Media