Xilliga ay Soomaalidu ka go’i doonto qaaradda Afrika oo la sheegay & Magacyada dalalka bad yeelan doona

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2023 – Afrika ayaa si tartiib tartiib ah ugu kala qaybsamaysa laba qaybood, sida ay xaqiijiyeen khubarada cilmiga dhulka ee Geology-ga, habkan oo aakhirka dalal dhan oo ay Somalia ku jirto ka jari doona dhammaan quruumaha qaaradda oo dhan, horseedina doona samaysanka bad cusub.

Sida laga soo xigtey cilmi-baaris dib-u-eegis lagula sameeyay arrintan oo lagu daabacay joornaalka Joornaalka Cilmi-baarista Geophysical Research Letters, kala-go’a tartiib-tartiibka ah ee qaaraddu waxay ku xiran tahay dildillaac dhererkiisu yahay 35-mayl oo kasoo muuqday saxaraha Itoobiya kaddib dhulgariirkii 2005, kaasoo ugu dambayntii noqon doona gebi ahaanba meel ay marto badda cusubi.

East African Rift, oo ku taal cirifka koonfureed ee Dooxada Wayn ee Great Rift Valley oo ka bilaabanta dalka Lubnaan dhanka waqooyiga ilaa Mozambique dhanka koonfureed, waxay ka dhacdaa xadka saddex lakab oo uu dhulku iska galo waxa loo yaqaan tectonic – Nubian African, African Somali iyo Carab. Waxayna u kala sikanayaan “si tartiib tartiib”, ayuu sharraxay hilinka NBC.

“30-kii milyan ee sano ee la soo dhaafay, saxanka Carabtu waxay ka guurayeen kuwa Afrika, hab la mid ah midii abuuray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yiri warbixinta. Saxanka Soomaalida ee ku yaal bariga Afrika “sidoo kale waxa uu ka fogaanayaa saxanka Nubi”.

Intee in le’eg ayay Afrika ku qaadanaysaa inay kala go’do?

Waxaa loo malaynayaa inay qaadan doonto “ugu yaraan 5 milyan ilaa 10 milyan oo sano” kahor intaanay abuurmin bad cusub oo qaarada u kala qaybin doonta laba qaybood. Saxanka Carabtu waxa uu hadda ka guurayaa Afrika”qiyaastii 1 inji sannadkii” halka saxanka Afrika uu dhaqaaqiisu u dhexeeyo nus inji ilaa 0.2 inji sannadkii” sida uu Christopher Moore, oo ka tirsan University of Leeds, u sheegay NBC.

Dalalka Rwanda, Uganda, Burundi, Democratic Republic of Congo, Malawi iyo Zambia oo haatan bad-xiran wada ah ayaa bad yeelan doona, halka Somalia, Eritrea, Djibouti, bariga Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo Mozambique ay qaaradda oo idil ka go’ayaan, taasoo ay weli kusii dheganaan doonaan qaybaha kale ee Kenya, Tanzania iyo Ethiopia oo yeelan doona “laba geyi oo kala go’an”.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media