Taageere feeray laacibka Jack Grealish oo la helay isaga oo mayd ah + Sawirro

0

(Birmingham) 19 Maarso 2023 – Nin beri dhexdeer ah inta garoon kubbadda cagta ah soo galay deedna lagu xukumay xabsi in uu feer ku dhuftay xiddiga England ee Jack Grealish ayaa la helay maydkiisa.

Ninkan oo ahaa aabbe dhalay 3 carruur ah oo taageere u ahaa Birmingham City, Paul Mitchell, oo Grealish ku weeraray garoonka St Andrew’s Stadium xilligii uu u ciyaarayey Aston Villa kahor inta aan garoonka laga saarin dhacdadan oo ku beegnayd bishii Maarso 2019-kii.

32-jirkan, oo xabsiga ku jirey 14 toddobaad balse la sii daayey kaddib markii uu afar bilood dhamaystay, ayaa maydkiisa laga helay guri ku yaal magaalada Birmingham horraantii toddobaadkan.

Mitchell inaadeerkiis, Lucy Mitchell, ayaa u sheegay The Sun: ‘Paul gebi ahaanba wuu jeclaa saddexdiisa caruurta ah. Mar walba waxa wejigiisa ka muuqdey dhoolla caddayn si kastaba ha ahaatee.

“Waxa uu lahaa qalbi naxariis badan. Si murugo leh ayay dad badani u tebi doonaan. Wuxuu ahaa nin aad loo jecel yahay. Xaalki sidii hore sii ahaan ma doono isaga la’aantiis.” ayuu raaciyey.

Ninkan oo 20 sano ahaa taageere fasal kasta iibsada tikitka kooxda Birmingham City ayaan weli la xaqiijin sababta geeridiisa.

Hadalsame Media