Kooxda PSG oo laga badiyey xilli ay daawanayso gabadhii ay horay u sharaysteen taageerayaasha Arsenal

0

(Paris) 19 Maarso 2023 – Todobaadka 28-aad ee Horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, waxaa guuldarro xanuun badan la baday PSG, taasoo ay 2-0 dirtay Rennes.

Waxaa goolasha u kala dhaliyey Toko Ekambi iyo Kalimuendo, kuwaasoo kala saxiixay daqiiqadaha 45′ iyo 48′.

Waxaa ugu daran in PSG ay Rennes kula dheeleysey garoonkeeda Beerta Amiirrada ee magaalada looga taliyo Faransiiska.

Balse waxaa dhacday arrin kale oo qosol badan waana inay ciyaartan daawanaysey gabadha caanka ah ee Kim Kardashian, taasoo sidoo kale ay sharaysteen taageerayaasha Arsenal oo ay sidoo kale daawanaysey markii ay ka harayeen Europa League Khamiistii.

May be an image of 3 people and text that says 'QATAR GOAT GOAT SPORT MEDIASET S பதன AYBLI NEWS AR MALEDIZIONE KARDASHIAN DOPO L'ARSENAL VEDE PERDERE ANCHE IL PSG'

Hadalsame Media