Maamulka Real Madrid oo caawa u gooyey casho dhaqameed ay la yeelan jireen Barcelona (Real oo dagaal u caddaysatay Barca)

0

(Nairobi) 19 Maarso 2023 – Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaan ka qaybgeli doonin kulanka Axaddan ee El Classico ee ay wajahayaan Barcelona isagoo sidoo kale u gooyey casho dhaqameed ay yeelan jireen ciyaarta kahor, tiiyoo ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa kooxahan ee ku saabsan fadeexadda lagu haysto Barca ee Casa Negreira.

Kooxda reer Catalonia ayaa todobaadkii hore lagusoo oogey dacwad musuqmaasuq ah oo la xiriirta lacago ay kooxdu siisay Guddoomiye Xigeenkii HORE ee Guddiga Garsoorayaasha Spanish-ka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Spain ayaa kooxda ku eedeeyey inay sii wadeen xiriirka ay la leeyihiin Jose Maria Enriquez Negreira kaas oo ‘markii lacagta la siiyo’ ugu bedelayey inuu sameeyo ficillo ‘horseedaya in Barcelona laga doorbido kooxaha kale marka ay go’aanka gaarayaan garsoorayaashu’.

Real Madrid ayaana sida la ogyahay doodda kusoo biirtay iyadoo ku dhawaaqday inay ku biirayaan dacwada ay gudbiyeen dacwad oogayaasha Spain ee ka dhanka ah kooxda ay xafiiltamaan.

War qoraal ah oo ay soo saareen kooxda Real Madrid ayay ku yiraahdeen: “Real Madrid waxay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay xaaladda taagan, waxayna ku celisey inay kalsooni buuxda ku qabaan cadaaladda, waxayna sheegeen, in iyagoo difaacaya danahooda sharciga ah, ay ku biirayaan cabashada islamarka uu garsooruhu dacwadda qaado.”

Tani waxay culays wayn oo hor leh ku keentay xiriirka ka dhaxeeya kooxahan xafiiltama oo weliba iska soo horjeeda caawa oo ay leeyihiin kulanka El Classico.

Hadalsame Media