”Waa isku aad la musuqay. Hal sano afar koox oo Isbaanish ah” – Taageerayaasha Man United oo furka ku xooray UEFA

0

(Manchester) 18 Maarso 2023 – Jamaahiirta Manchester United ayaa ku andacoodey in isku aadka Europa League uu yahay mid “la qishay” marka loo eego isku aadka Champions League oo ay laftiisa dureen kaddib markii loo gacan galiyey kulan adag wareegga 8-da.

Man United ayaa Jimcihii ogaatey kooxda ay ku dhacday oo noqotay Sevilla, balse haddii ay wiilashada Erik ten Hag ayaa xitaa kasoo baxaan kooxdan lixda jeer ku guulaysatey tartanka EL ee Sevilla waxaa wareegga xiga ee tartanka ay ku wajihi doontaa midkood  Juventus ama kooxda Arsenal kasoo badisay ee Sporting Lisbon.

Waxayna qaar ka mid ah taageerayaasha Old Trafford ku doodayaan in UEFA ay kas ah ugu tala gashay maadaama ay kooxdii afraad oo Isbaanish ah ay wajahayaan hal fasal-ciyaareed.

Mid ka mid ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay: “Isku aadka Europa league waa mid ay UEFA qishtay, wixiinu waa dheel dheel.”

Mid kale ayaa yiri: “Waa isku aad la qishay.”

Mid kalena wuxuu raaciyey: “Dhammaan isku aadyada Yurub waa la musuqay, IDC.”

Mid ka mid ah ayaa yiri: “Waxay u egtahay inaan ciyaarayno kulamo lasii dejiyey. Waxaa la qorsheeyey in anaga [iyo] Roma aan final-ka dheelno.”

Mid ka mid ah taageerayaasha oo xanaaqsan ayaa ku daray: “Hadda, waxaan ka shakisanahay in isku aadkani uu yahay mid lasii go’aamiyey, afar kooxood oo Isbaanish ah hal xilli-ciyaareed??” ayuu is waydiiyey.

Hadalsame Media