SAWIRRO: ”Falxad maaha” – Waa tee gabadha caanka ah ee Arsenal taageerta ee ay taageerayaasha kooxdu sharaystaan inay Emirates tagto?

0

(London) 18 Maarso 2023 – Kooxda Arsenal ayaa Khamiistii kasoo hartay tartanka EL, iyadoo taageerayaasha Arsenal oo muddo 20 sano ah kaddib rajaynaya horyaalka Ingiriisku ay sharaysteen gabar caan ah oo ciyaartaa daawanaysey oo kooxda taageerta.

Kim K, oo 42-jir ah, ayaa kulankaa si lama filaan ah uga soo muuqatay Woqooyiga London, waxaana ay ka qaybgashay kulankii Europa League ee ay Arsenal la ciyaartay Sporting ee misna lagu reebay.

Kim, oo la sheegay inay London ku duubayso filim dokumenteri ah, ayaa garoonka la joogtey wiilkeeda Saint iyadoo muuqaal soo dhigtay barteeda ay 348 milyan raacaan ee      Instagram.

Yeelkeede, taageerayaasha Gunners ayaa weerar ku qaaday gabadhan oo ay ku sheegeen mid aan falxad ahayn.

Mid ka mid ah ayaa soo qoray: “U sheega in aanay abidkeed mar dambe imanin ciyaarteenna.”

Mid kale ayaa raacshey: “Habaarkii Kardashian ayaa mar kale nagu dhacay. Ka mamnuuca garoonka!”

Mid saddexaad ayaa yiri: “Nasiib xumo ayaa soo gashay garoonka Emirates.”

Mid kale ayaa ku faallooday: “Marka waxan oo dhami waa khaladkeeda?.”

Mid shanaad ayaa soo qoray: “Kim Kardashian ayaa timid Emirates deeto Arsenal waa laga badiyey?!?!! Waxaan ka baqayaa in habaarku dhab yahay.”

Isticmaalihii ugu dambeeyey ayaa ku jawaabay: “@Arsenal fadlan inta ay nooshahay Kim Kardashian ka mamnuuca Emirates.”

Hadalsame Media