”Xaaskayga waxaan u sheegay inuusan biilku nagu fillayn haddii aan isla sii joogno”

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – “Habeen anagoo wax aan cuno haysan oo aan baadiyo joogno ayay hooyo igu tiri, orod oo wax kasoo cun sab ayaa meeshaan ka jirta, sabta baadiyaha ilmaha waxba lama siiyo, inti aan sugaayey ayaan seexday.

Waxaan soo kacay ayadoo afar afar loo fadhiyo, afarti ii dhawayd ayaan u garguurtey ma kici karin gaajada i heyso darteed, afarti aan u tagay way i kala tuureen waa rag reer baadiye ah oo aanan cidna u nixin oo aan xishoon, afar kale ayaan u garguurtay ayagana waa i kala tuureen, marba meel ayaan u garguuranaayay oo la iga soo kala tuuraayay, halkaas waa meesha uu iigu baxay magaca Garguurte”.

“Maalintii oo dhan ayaan dhagax jabinaayay markaas ayey ii gooyn weysay wax aan ku casheeyo, maalintaas ayaan go’aansaday in aanan qof dambe wax weydiisan”

“Maqaayad ayaan ka shaqeynaayay wax mushaar ahna kama qaadaneyn ee caloosheyda kaliya ayaan ku shaqeynaayay, waxaan dhaqi jiray saxamada, waxaa kale oo aan dooni jiray xashka barafka la galiyo, maalin anigoo wato jawaanki aan xashka ku doonaayay iyo hal shilin oo aan baraf ku doonaayay ayaa nin ii yeeray wuxuu igu yiri, dhalooyinkaan qamriga ka dhamaaday iyo joornaaladaan ma gadaneysaa?. Aad ayey u badnaayeen halki shilin ayaan qaar uga qaatay waan qamaaray, inti waa ay ii gadantay, dhowr mar ayaan usoo kala noqdo maalintaas waxaan helay lacag dhowr boqol oo shilin ah, halkaas ayey nolosheyda ka bilaabatay”.

“Anigoo oo 150 shilin qaato ayaa ilmo ii dhasheen, lacagti ayaa na deeqi weysay, waan fikaray oo ilmo kale ayaa imaan karo lacagtana naguma filnaan doonto, islaanti ayaan ku iri, adiga baadiyo aad 2 sano ku maqnaaw anigana lacagta ayaan sii aruurinaayaa, bariiska ciidanka ayaa la cunaayaa, xeradana waan jiifanaayaa.

Labo sano kaddib ganacsi ayaan sameysaneynaa, islaanti waa iga ogolaatay anigana xerada dhexdeeda ayaan ganacsi ka sii bilaabay, sanadki wax ka yar waxaa ii aruurtay lacag 4,000 oo shilin ah (afar kun) waxaan gatay taxi la iigu shaqeeyo sanadki labaad waxaan aruursaday kacag 20,000 oo shilan ah (labaatan kun) spare parts ayaan ku furtay)

“Waxaas oo dhan waxaan idinkugu sheegaayaa, waxaan rabaa in ay dadka ogaadaan daruuftu ceeb malaha in aad faqri ku dhalatana eed kuma lihid”.

Dhowrkaas qodob waxaan ka note gareeyay ganacsade C/laahi Garguurte oo ka mid ah maal qabeenada Soomaalida ee sameeyay ganacsiyada guuleystay waliba asigo 0 ka soo bilaabay.

Odayaasha Garguurte oo kale ah in wareysiyo laga qaado waa ay fiican tahay si ay dhalinyarada wax uga faa’iidaan.

Cimriga iyo caafimaadka Alle ha u barakeeyo ganacsade Garguurte.

W; D: Bisle Rubetti

May be an image of 1 person and text

Hadalsame Media