Arsenal oo saacad ay 70 sano haysteen la tegey garoonka koox kale (Qorshe cajiib ah oo ay keeneen)

0

(London) 13 Maarso 2023 – Kooxda Arsenal ayaa waxay bilowday inay kulamada ay dibedda ku maqan tahay u ekaysiiso kuwa gurigeeda si ay ugu guulaysato horyaalka Premier League markii ugu horreeysey tan iyo 2004-tii.

Gunners ayaa 5-dhibcood haatan ku qabatay hoggaanka Premier League kaddib markii ay 3-0 kaga badiyeen Fulham galabnimadii Axaddii.

Ciyaarta kaddib, waxaa soo baxay sawirka ciyaartooyda Gunners oo haysta saacad u eg midda suran garoonka Emirates Stadium oo ay ku haysteen qolka lebbiska ee Craven Cottage oo ay Fulham ku dheesho.

Sportsmail ayaana waxa ay daaha ka qaadeen in tillaabadan lama filaanka ihi ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo cusub oo ay hindistey kooxda Gunners si ay qolalka lebiska garoomada kale ugu dareemaan sida inay joogaan gegada Emirates.

Marka laga soo tago saacadda koobbiga ah – waxaa gidaarrada ku sharraxnaa baajka Arsenal iyo boorarka sawirka kooxda oo sidoo kale lagu xardhay gidaarrada qolka lebbiska ee Craven Cottage si kooxda loo siiyo dareenka sidii koox garoonkedii joogta.

Saacaddan ayaa muhiimad astaan ahaaneed u leh taariikhda Arsenal waxayna garoonkii hore ee kooxda ee Highbury ka lulanaysey in ka badan 70 sano.

Hadalsame Media