”Warqad kasoo qaata DF Somalia” – Sucuudiga oo diidey xoolihii laga dhoofiyey Somaliland (Daawo)

0

(Riyaad) 12 Maarso 2023 – Dalka Sucuudiga Carbeed ayaa soo celiyey xoolo ka dhoofay degaannada hoos taga Maamulka Somaliland, iyadoo la hor dhigay shuruud cusub.

Sucuudiga ayaa xoolahaa ka dalbanaya inay la yimaadaan Warqadda Caafimaadka oo kasoo baxday DF Somalia, haddii kale aan loo fasixi doonin suuqyada Sucuudiga Carbeed.

Maraakiib sida xoolo fara badan ayaa haatan ku xayiran khoorarka dekedaha Sucuudiga kuwaasoo la diidey in rarka laga dejiyo ilaa laga keenayo rukhsayn ka timid DF Somalia.

Waxaa haatan soconaya waan waan ay samaynayaan ganacasatada xoolahan lahayd iyo Mas’uuliyiinta Sucuudiga, balse waxaa loo sheegay in aysan aqbali doonin xoolo kale oo haatan ka bixi lahaa Berbera haddii aysan wadanin Warqadda Caafimaadka Somalia.

Hadalsame Media