Sucuudiga & Kuwayt oo mar kale wax ka bedeley sharciga IQAAMOOYINKA & Fiisaha (Waxa cusub + Shuruudaha sahlan?)

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2023 – Dalka Sucuudiga Carbeed ayaa ku dhawaaqay isbedel wayn oo lagu sameeyey habka codsiga fiisaha ee dadka deggan ama Iqaamooyinka ku haysta wadamada Khaliijka ee GCC.

Dadka deggan wadamada GCC waxay hadda kaddib codsan karaan fiisaha dalxiiska iyadoon loo eegi doonin xirfaddooda. Waxaa sidaa ku dhawaaqay Wasiirka Dalxiiska Boqortooyada, Ahmed al Khateeb.

Dalku-ku-galkaNI waxa uu sidoo kale kaaga fillaan doonaa dalxiiska iyo cumrada labadaba waxana la heli karaa isagoo ah hal gelid ama single entry ama inaad qaadato midka aad dhowr jeer geli karto kana bixi karto Sucuudiga ee multiple entry-ga.

Berigii hore, dadka ka shaqeeya xirfadaha qaarkood oo keliya ayaa loo oggolaa fiisaha dalxiiska ee gudaha Boqortooyada ee degan GCC kaasoo ku kacaya SR300 Riyaal ($80) waxaana lagu bixiyaa shuruudaha soo socda:

  • Inaad Iqaamo ku leedahay dalalka Khaliijka GCC taasoo jirtey ugu yaraan 3 bilood.
  • Baasaboorkaagu inuu shaqayn karo ugu yaraan 6 bilood.

KUWAYT – Hay’adda Maaraynta  Shaqaalaha Kuwait (PAM) ayaa ku dhawaaqay inay wax ka bedelayso sharcigii dadka da’ ahaan ka badan 60 sano ee haystey shahaadada dugsiga sare iyo wixii ka hooseeya loo diido inay iqaamooyinkooda uga shaqaystaan qaybta gaarka ah ama private sector, taasoo markii hore mamnuuc ahayd oo ay ku ekaayeen qaybaha guud sida shaqooyinka dowladda oo qura.

Wax ka beddelkan ayaa imanaya iyadoo ay Kuwait sii waddo dib-u-habaynta hannaanka fiisaha. Sannadkii hore, Kuwait waxay bilowday in fiisaha degenaanshaha ee muddada dheer la siiyo ajaanibta iyo maalgashadayaasha kuwaasoo gaaraya ilaa 15-sano.

Hadalsame Media