”Markii aad tuug wax ka dhacdo waa sharaf” – Nin dhac uu gaystey ku sheegay waajib diimeed

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2023 – “Bangiga waxaan u dhacay danta shacabka, laakiin tuugannimo kuma sheegi kartaan, sababtoo ah qof miskiin ah oo la dhaco waxaa la yiraahdaa tuugannimo, qofka tuugga ee dhaca waa la cafiyaa, kan bangiga dhaca waa u sharaf”, ayuu yiri hoggaamiyaha jabhadda.

Lucio Urtubia Jiménez wuxuu ahaa hoggaamiye jabhad ka dhaqdhaqaaqda Laatiin Ameerika iyo qaybo ka mid ah Yurub fadhigooduna ahaa dalka Spain.

Jabhaddaasi oo lagu yaqiinnay ficillada ay ka midka yihiin afduubka, dhaca, iyo iney dadka waddamada u kala tahriibiyaan.

Lucio Urtubia oo 1980-yadii ahaa ninka sida aadka ah ay u raadinayeen waddamo ku yaalla Laatiin Ameerika iyo Yurub.

Isaga oo loo haysto inuu dhac bareer ah u geystay bangiga la oran jiray National City Bank oo hadda loo yaqaanno Citi Bank, Jabhadduna ay dhacday lacag dhan 20 malyan oo doollar.

Inkasta oo bangiga lacagta laga dhacay uu sheegay in lacag intaa ka badan laga dhacay walow ay cadadkeeda sheegin.

Booliska Caalamiga ah (interpol) oo amar lagu siiyey soo qabashada ninkaasi waxaa ku adkaatay iney soo qabtaan.

Locio oo aaminsan lacagta kooxda uu hoggaaminayo ay dhacday iney ahayd lacag ay u dhaceen si ay u gutaan waajib diini ah, lacagtana uu xubnaha jabhadda ka tirsanaa wax ugu qabtay taasina ay dambi ahayn.

Ficilka dhaca ee ay jabhaddu u geysatay bangigana waxaa ka dhashay dood ku saabsan dareenka iyo sharciga.

Dhanka sharciga waxaa la aaminsan yahay inuu falkaasi yahay tuugnimo uuna mudan yahay in shariga lala tiigsado, halka aragtida jabhadda iyo hoggaamiyaheedaba ay aaminsan yihiin oo ah iney ficilkan shacabka dartii u sameeyeen.

Wuxuuna Locio ku doodayaa ficilka ay bangiga lacagtaasi uga dhaceen iney kala tashadeen hoggaamiyihi dhaqdhaqaaqa xornima-doonka waddamada Laatiin Ameerika Che-Guevera.

Jabhadda uu Hoggaaminayey Lucio Urtubia

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa kuma Losio Artobia?

Locio Urtobia 1931-kii ayuu ku dhashay magaalada Kaskent ee dalka Spain. Wuxuuna ahaa nin aan waxna qorin waxna akhriyin.

Yaraantiisi wuxuu ahaa nin calool adag oo ku dhiirrado inuu helo wixi uu ku hammiyo sax iyo khaladba.

”Weligey shaki igama gelin wax aan la oggoleyn iney dunidaba ka jiraan. Haddii aan wax u baahdo, waxaan u maraa wadda kasta oo aan ku heli karo oo aan aniga u arko iney sax tahay,” ayuu yiri.

Yaraantiisiina wuxuu sida oo kale ahaa nin aan ka gabban inuu lacagaha ka xado dadka wax heysta iyo sanaadiiqda kaniisadaha gudahooda la dhigo isaga oo u arkayey inuu xaq u leeyahay oo ay jirin wax ka maanacayo.

Qof saboolnimo ku soo barbaaray maaddaamaa uu ahaana si uu u noolaado wuxuu xadi jiray khudaarta suuqa lagu iibiyo.

Markii uu qaan gaarayna wuxuu ka mid noqday koox xudduudaha waddamada Laatiin Ameerika dadka ka soo tallaabiso, isla-markaana waddamada uga kala gooshisa sigaarka, dawooyinka iyo khamriga.

Markii dambana hubka sharci darrada ah iyo direeska ay ciidamada qaataan ayuu burcadda iyo jabhadaha u kala gadi jiray.

Locio Artobial

XIGASHADA SAWIRKA,COURTESY OF EDITORIAL TXALAPARTA

Ciidamada oo falkan uu Locio sameynaya ka war helay ayaa xabsiga u taxaabay inkasta oo maalmo kaddib uu u baxsaday dhinacaa iyo dalka Faransiiska isaga oo sidaa xabsi dheer uu geli lahaa uga badbaaday.

Inti uu Faransiiska joogayna jeeg been abuur ah ayuu Locio sameeyey isagoo malaayiin Faranc kaga dhacay bangiyo ku yaalla dalka Faransiiska.

Ugu dambeyntina, hoggaamiyaha jabhadda Lucio Urtubia oo dhaca lacageed loo haystay wuxuu ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

BBC

Hadalsame Media