Wax badan ka baro sababta ay booliisku astaan uga dhigteen GOODIRKA (9 dhaqan oo u gaar ah)

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2023 – Astaamaha iyo dabeecadaha Goodirka.

Horta Goodirku waa jaad kamid ah ugaartii dalkeenna joogi jidhay beri, balse dabadeed sababo jiray walina haatan jira awgood dalalka dariska uga dalaabay imminkana wali jooga. Kama gaarno kaansho ku filanna si sahlan ugu heli mayno tin iyo cirib ka sheekayntiisa oo idil, hayeeshee waxaan isku dayayaa bal inaan waxuun ka taataabto anshigiisa iyo dabeecadihiisa aadka u la yaabka iyo irkigga badan, kuwaas oo uu Naflaha kale dhammaantood kaga geddisanyahay.

1) Goodirku waa kan ugu dhiifoonaanta iyo taxadarka badan dhammaanba xayawaanka dunida guudkeeda ku uuman. Waa tan laga wariyay inuu yiri oraahda caanka ah maah-maahda iyo taladana isugu jidha ee ah: inta dhogortaadu dhantahay ayaa dhawrsadaa. Taas oo dhinacyo badan xulaysa nuxur wayna uu ku duuganyahay gudaheeda ballaaran.

2) inkasta oo ay Ugaarta oo dhammi fiiro iyo maqal dheertahay, haddana gaar ahaan Goodirku waa kan ugu sii fiiro/jeedaalo iyo magal dheer ama dhago nugul/weddan. Sidoo kale aadkana meel aan dhawayn wax uga uriya.

3) Waxa uu arki karaa oo waliba uu garan karaa waxay tahay bidhaan ama dhaqaaqilyo ili-ku-wareedhay ka muuqata, taas oo aan fogaanteeda awgeed lagu sixi karin ama aysan nooluhu ku sixid-arki karin awoodda aragtida indhahooda caadiga ah oo kaliya. “Caadiga ah” markaan leeyahay waxaan meesha ka saarayaa Qalabka casriga ah maadaama ay dadku noolaha kamid yihiin. Sidoo kale Goodirku waxa uu maqli karaa sharaqanta caleen geed ka soo go’day oo dhulka aayar ku dhacday.

4) Goodirku si toos ah ama qummaati u ma socdo, ee wuu leex-leexdaa, isaga oo uga dan leh xeesha socodkiisaas inaan la soo raad qaadin, haddii la isku dayana lagu wareero illeen meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo la kala garan mayee. Waa tan markii la arko qof qardajeex ah oo doodaya la yiraahdo “waddo Goodir buu hayaa”. Markale kolkii dhabbe/waddo ama wadiiqo qalqalloocan uu qof qaado/maro waa tan uu yiraahdo “war waddo Goodir baan qaaday jab baa igu dhacay”.

5) Goodirku marka uu daaqayo jeer uu afarta docood dhugto (iska hubiyo) afka dhulka lama aado, marka uu geedka goostana haddiiba horay kama raamsado inuu wax sharqan dhagaysto maahane maadaama haddii wax la ruugayo aan wax la maqlin. Wuxuu isyiraahdaa waa intaas oo intaad fooradhay laguu soo gabbaday illeen gaadmada xeesheeda ayuu yaqaane. Cawri waa isagee dhowradsanaa!!

6) Goodirku meel aan Kayn ama Toon geedo badan dhexdeed ahayn ma daaqo, suryada ama Kaynta dhexdeeda marka uu galayana horay/waji-waji uma uu galee intuu kala wareego buu dib-dib ama gadaal-gadaal buu u galaa isaga oo dibguryoonaya si aan isagoo suryada sii galaya loo soo dabagalin.

7) Goodirku waa cidlo-joog gooni-daaqa jecel oo aan ka helin inuu xayawaanka kale dhex galo.

Goodirku waa noole xasilloonida iyo nabadda jecel, haddana dulqaad iyo dagganaansho badan. Had iyo jeer meelaha aafaha ayuu joogaa.

9) Goodirku waa Ugaarka kali ah ee dhogortiisu ay tan Libaaxa oo kale tahay.

Bal intaasaan uga harayaa bahalku waa geed arrimo badan oo aan la taf gaari karine.

Isha: Goodirka Hawd

Hadalsame Media