RASMI: Barcelona oo lagu soo oogey fadeexad musuq ah oo ka daran middii Calciopoli ee Serie A

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2023 – Barcelona ayaa lagu soo oogey dacwad la xiriirta musuqmaasuqa garsoorayaasha Horyaalka ay ka dheesho fadeexad u muuqata in ay aad uga xun tahay middii Calciopoli ee Juventus u dirtay Serie B 2006-dii.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Spain ayaa si rasmi ah ugu soo oogey dacwad ka dhan ah kooxdaasi lacago ay siiyeen guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Spain ee Jose Maria Enriquez Negreira.

Wuxuu xilkaa qabtay laga bilaabo 1994 ilaa 2018-kii waxaana si rasmi ah loo siiyey ‘lacago laaluush ah iyadoo lagu magacaabayo la-taliye si uu u fudueeyo go’aamo garsoor oo u janjeera dhinaca Barcelona dhanka ciyaaraha ay kooxdu ciyaarto.”

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey musuqmaasuq Madaxwaynihii hore ee Barcelona Josep Maria Bartomeu, oo xilka hayey 2014-2020, iyo Sandro Rosell, oo Madaxwayne ahaa 2010-14.

Dacwad oogayaasha ayaa qeexay wadarta qiimaha lacagaha la siiyey shirkadaha uu leeyahay Enriquez Negreira inay ka badnayd €7.3m iyadoo Barcelona koox ahaan lagu soo oogay dacwad ku saabsan “musuqmaasuq ganacsi oo muddo socdey.”

Haddii la xaqiijiyo, tani waxay fadeexaddan ka dhigi doontaa mid aad uga xun middii Calciopoli ee kooxda Juventus u dirtay Serie B, sidoo kalena lagu ciqaabay kooxo kale oo ay ku jiraan AC MilanLazio iyo Fiorentina.

Hadalsame Media