Israel oo wadnaha farta ku haysta kaddib hub casri ah oo Iran la siin karo + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2023 Xilli uu sii kordhayo iskaashiga millateri ee u dhexeeya Iran iyo Ruushka, saraakiisha Israel ayaa ka baqaya in Iran oo ay suurtogal u tahay helitaanka nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400 ay soo koobto fursadda weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka ee Tehraan.

Iran ayaa la sheegay inay ka codsatay Ruushka nidaamka cusub ee difaaca cirka ee S-400, kaasoo masiibo ku noqon kara Israa’iil, sida ay qortay Jariidadda Jerusalem Post. waxay Iran nidaamkan howlgelin kartaa qiyaastii laba sano gudohood kaddib marka loo daabulo.

S-400 waa nidaam guurguura oo dhul-ka-cir ah (SAM), kaas oo la xaali kara diyaaradaha, daroonnada aan duuliyaha lahayn (UAVs), gantaalaha cruise-ka, iyo gantaalada ballistic-ga. Waa jiilkii afraad ee SAM-yada Ruushka ee riddooyinka fog-fog, kuwaas oo ay haystaan dalalka Shiinaha, Hindiya, iyo Turkigu.

Rajada iibsashada Iran ayaa lagu soo warramayaa inay ka caraysiisay saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Israel. Bloomberg ayaa soo xigatey dad aan la magacaabin oo ku sugan Israa’iil iyo Maraykanka oo la socda dooddan ku aaddan rajada laga qabo in Iran ay hesho S-400 ay soo dedejin doonto go’aan laga gaaro suurtagalnimada weerar Israa’iil ay ku qaado dalkaas, waloow ay taasi khamaar tahay.

Iran ayaa horya u samaysatay difaaca cirka ee Bavar-373, kaas oo la rumaysan yahay in uu yahay nooca maxalliga ah ee u dhigma S-400.

Bishii Nofeembar ee sannadkii hore, Bavar-373 ayaa la casriyeeyey waxaana la sheegay in uu tiiro ahaan gaarayo 450 kiiloomitir islamarkaana uu raadaarkiisu wax ka arki karo ilaa 400 oo kiiloomitir.

Hadalsame Media