Dr Bayle oo ficil ahaan u sameeyey wixii ay ka hadlaysey heestiisii ”Somalia waa Mashruuc” (Hargaysa oo uu ka degey)

0

(Hargaysa) 05 Maarso 2023 – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in galabta uu magaaladaas ka dagay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda maamulkaasi.

Bayle ayaa toos uga dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Siyaasigan oo maalmahan dameb dibad joog ah ayaa siyaasadda Soomaaliya isaga baxay markii uu isbeddal ka dhacay dalka 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargesa ayaa lagu soo warramayaa inuu maray habraac ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Somalia, kadibna la cafiyay.

Si kastaba, ma’aha siyaasigii ugu horreeyay oo xil sare ka qabtay dowladda federaalka oo haddana dib ugu laabta Somaliland, waxaana ka horreeyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ra’iisul wasaare ku xigeen kasoo noqday Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasii horreeyay.

Haddaba sidee baraha bulshada looga falceliyay tallaabada Bayle?

“Soo dhowow wasiir aqoonyahan soo shaqaystey dadkiisa iyo dalkiisana soo dhisay” ayuu Ing. Mustafe Xaaji.

Isha: Caasimadda

Hadalsame Media