DF Somalia oo qaadaysa tillaabo wax wayn ka tari karta dhibaato raagtey oo ay shacabku tirsanayeen

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2023 – DF Somalia ayaa qaadaysa tillaabo si aad ah wax uga bedeli karta dhibaato lagu qabey ciidamadeeda oo marar badan laga soo cowdey ama ay dulduleello ku jiraan hab-howleedkooda ay xirfadda iyo xil gudashadu ku yar yihiin.

Waxaa hadda kaddib baraha koontorool ee magaalada Muqdisho laga qaadi doonaa ciidamada jooga, gaar ahaan kuwa adeegsada waxyaabaha maanka dooriya oo ka kooban daroogooyin kala geddisan.

RW Xamsi Cabdi Barre ayaa sheegay in waloow ay ciidanku dadaalaan ay misna tahay inay wax ka bedelaan sida ay haatan wax u socdaan oo ay dhaliiluhu ku badan yihiin.

”Waa askari qayilsan oo indhaha taagaya oo daroogo soo isticmaalay oo aan miyirba qabin, inuu dad shacab ah ilaaliyo ama baaro ama la macaamilo halistii ayayba qayb ka tahay.” ayuu yiri RW Xamse oo ballanqaaday in hadda kaddib aan goobahaa lagu arki doonin askari balwad leh xitaa sigaarba ha ahaatee.

Arrintan ayay dadku marar badan ku baaqeen in la hirgeliyo maadaama ay askartu u badan tahay dad balwad leh, balwadduna ay keenayso bandhig cagsi ku ah isla amaankii askariga loo diray, maadaama marka laga soo tago inuusan qofka tusaale ahaan qayila uu shaqadiisii qabsado, misna waxaaba ka daran in si sahal ah lagu laaluushi karo, si loo gudbiyo qaraxyada IWM.

Hadalsame Media