Wuxuu baaskiil kasoo qaatay dalka Jarmanka ilaa uu ku dhinto magaalada barakaysan ee Maka

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2023 – Qaasi Shixaad wuxu ahaa Suuriyaan qaxooti ah oo ku noolaa dalka Jarmalka, gaar ahaan magaalada Hamburg.

Bilo kahor ayuu Baaskiil kasoo kaxaystay magaalada Humburg isaga oo safar dhinaca dhulka ah u soo galay magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarrama.

Wuxu baaskiiladddiisa ku soo maray qaybo badan oo ka mida qaaradda Yurub iyo weliba Bariga Dhexe.

73 maalmood kaddib markii uu soo gaadhey halkii u socday ayuu Qaasi Shixaad ku geeriyooday duleedka magaalada Maka, isaga oo xidhnaa lebiskii uu ku cibaadaysan lahaa.

Qoyskiisa ayaa sheegay in uu wadne xanuun u geeriyooday. Marxuumkan ayaa lagu aasay magaalada barakaysan ee Maka halkaas oo ahayd bartii uu safarka dheer u soo galay.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media