Somaliland oo ka digtey tillaabo ay ka qaadi karto Puntland + Sababta

0

(Hargaysa) 02 Maarso 2023 – Somaliland ayaa sheegtay inay xog ku heshay weerar ay maalmaha soo socda la damacsan yihiin Ciidanka Maamul-Goboleedka Puntland, kaasoo ay ay sheegtay inay doonayso inay iska difaacdo.

Waxay intaa raaciyeen inay taas ku xaqiijin doonaan madaxbanaanideeda gayi, islamarkaana ay caalamka ku wargelinayso halistan cusub oo ay si dhab ah u wajahayaan, sida lagu sheegay bayaankan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa intaa raacisay inay gudaha dhulkeeda soo galeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran PL sida PSF iyo PMPF (Imaaraadka), kuwaasoo ay ku eedaysay inay weerar kusoo qaadi rabaan Ciidankooda

”Puntland waxay goosatay inay cadaawad noola bareerto, balse waxaan cadaynaynaa inaynaan is dhiibi doonin oo aynu agab kasta ku difaaci doonno dadkeenna.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalsame Media