”Aniga & Wiilkaygu iskuma raacsanin” – Qadariyiinta lala xiriirinayo Man United oo sheegay war ka duwan midkii ay filayeen taageerayaasha kooxdu

0

(Manchester) 02 Maarso 2023 – Sheikh Jassim ayaa si adag u riixaya inuu £4.5 bilyan oo gini kula wareego kooxda Man United, iyadoo bilyaneerka Ingiriiska ah ee Sir Jim Ratcliffe uu isna ku jiro tartanka si uu u dhammaystiro la wareegidda camaaliqadan Premier League.

Sida uu sheegay Athletic, aabihii Sheikh Hamad bin Jassim Bin Jaber Al Thani, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Qadar, ayaa waxa uu sheegay in aanu xiisayninba kubbadda cagta, uuna u arko dalabka ay direen fursad maalgashi balse aanay ahayn ‘xayaysiin’ ku aaddan dalkooda.

“Ma ihi taageere kubbadda cagta ah,” ayuu yiri Sheikh Hamad oo tilmaamay in xiisaha ugu badani uu ka imanayo dhanka wiilkiisa Sheikh Jassim oo doonaya Manchester United mar uu waraysi siiyey bandhigga David Rubenstein.

‘Ma jecli maalgashigan. Waxaa laga yaabaa inay si fiican u shaqayso. Laakiin waad ogtahay, in qaar ka mid ah wiilashaydu ay jecel yihiin, had iyo jeer way igala hadlaan arrintaas. Aad bayna u riixayaan, tanise maaha takhasuskayga,” ayuu yiri.

”Aan u dhigo sidatan: Waxaan ahay maalgashade. Haddii ay maalin uun noqon doonto maalgashi wanaagsan, waan ka fikiri doonaa. Uma eegi doono sidii wax aan u samaynayo  is xayaysiin darteed.’

Horay waxaa loo sheegay in odaygu xitaa uu taageero Man United.

Hadalsame Media