Muqdisho, wiil dhallinyaro ah oo maydkiisa laga dhex helay gaari dhexdiisa iyo Jareexooyin ku yaal (Muxuu leeyahay ninka gaariga leh?)

0

(Muqdisho) 27 Feb 2023 – Wiil yar oo danyar ah ayaa maydkiisa laga dhex helay gaariga nin garaashle ah dhexdiisa, kaasoo sheegay inuu wiilka oo meel uu seexdo raadinayey uu gaarigiisa dhex seexiyey.

Ha yeeshee, wiilka yar waxaa ka muuqda raadka sidii in xarig loo adeegsadey. Akhwaan Jidhi ayaa intan ka qoray:

Dadkaas isbitaal Madiina dhex taagan waa qaraabada Farxaan Cabdi oo ahaa wiil 15 jir ah oo meydkiisa laga dhex helay gaari ku baakinnaa garaash ku yaalla Tarabuunka.

Farxaan wuxuu ahaa wiil yar oo lugta naafo ka ah. Wuxuu ka shaqeyn jiray sharraxaadda mooto bajaajyada. Habeen hore ayuu ka soo tegay xaafaddiisa oo ku taalla xerada 77.

Wuxuu casho u doontay makhaayadaha u dhow meelihii uu ka qaraaban jiray ee Tarabuunka.

Shalay oo dhan waa la weysanaa. Xalay markii salaadda maqribka laga baxay ayaa garaashka lagu arkay isaga oo meyd ah oo gaari ku dhex jira. Gaariga waxaa iska lahaa milkiilaha garaashka. Wuxuu milkiiluhu sheegay in Farxaan uu u yimid, uuna weydiistay meel uu seexdo, sidaasna uu gaarigan ugu furay.

Maydka Farxaan oo loo gudbiyay qaybaha baarista waxaa ka muuqda dhaawacyo u eg in xarig lagu dhibaateeyey, balse natiijada saxda ah waxaa weli laga sugayaa booliiska.

Qoyska Farxaan waa danyar aan haysan cid u doodda oo arrintooda dabagasha.

W; Q: Akhwaan Jidhi

Hadalsame Media