Somaliland oo si rasmi ah u qiratay inay ka baxday dhammaanba furimihii dagaalka & Mid ay dalbatay (Daawo)

0

(Hargaysa) 27 Feb 2023 – Wasiir Dibadeedka Somaliland, Ciise Kayd, ayaa hadal kooban oo af Ingiriisi ah ku faahfaahiyey wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Laascaanood.

Wuxuu qiray inay saaka kasoo bexeen dhammaanba aagaggii ay uga jireen furunta dagaalka, isagoo sidoo kale ku baaqay inay dhinacyada kalena ka baxaan Laascaanood.

“Waxaan dhinacyada oo dhan oo ay ku jiraan malliishiyaadka iyo xag-jirka ugu baaqaynaa inay ka baxaan Laascaanood.” Ayuu yiri Kayd.

Wuxuu kaloo sheegay inay Somaliland weli gudanayso xabbad joojin hal dhinacley ah oo ay soo saareen 10-kii bishan Febraayo, in kastoo aanay marna dagaalka joojin.

Si kastaba, Somaliland oo saaka ka baxda Tukaraq kaddib markii la jaray dhabbihii saadka lama oga inay dib isu urursanayaan iyo inay sidan ku bexeen.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media