Weriye suuqa u dhuun daloola oo Icadri la xiriiriyey AC Milan

0

(Hadalsame) 23 Feb 2023 – Saxafiga Daniele Longo ayaa aaminsan in fikradda ah in AC Milan ay Mauro Icardi kusoo celiso Italy xagaagan aan meesha laga saari karin.

Paris Saint-Germain ayaa xagaagii hore amaah Turkiga ugu dirtay Icardi gaar ahaan kooxda Galatasaray kaddib waqti adag oo uu ku qaatay caasimada France.

Wuxuuna u muuqdaa mid dib Turkiga ugu helay qaab ciyaareedkiisa isagoo dhaliyey 9 gool oo horyaalka ah 12 kulan oo uu u saftay ilaa haatan.

Radio Rossonera ayaa waraysi la yeeshay Daniele Longo oo ka tirsan Calciomercato.com kaaoo ku saabsan mowduucyo dhowr ah, laga soo bilaabo xilli ciyaareedka socda ilaa iyo istiraatiijiyada iyo bartilmaameedyada suurtagalka ah ee xagaaga, waxaana la waydiiyey wararka xanta ah ee sheegaya in Icardi uu AC Milan u noqon karo bartilmaameed.

“Waan ogahay in Milan sanadka soo socda ay raadinayso weeraryahan u qaab eg Icardi, lambarka dhabta ah ee 9. Icardi wuxuu noqon karaa fursad.” ayuu yiri Longo.

Hadalsame Media