Maraykanka oo 2 shuruudooda ula tegey MW Muuse Biixi + Waxa ay kala yihiin?

0

(Hargaysa) 23 Feb 2023 – Wefdi ka socda Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Sii-hayaha Safaaradda Tim Trenkle, ayaa Khamiistan gaarey magaalada Hargaysa, si ay ula kulmaan madaxda Maamulka Somaliland, wakiillada bulshada rayidka ah iyo madaxda dhallinyarada.

Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefdiga, waxaana ay dhinacyadu yeesheen kulamo lagaga wada-hadlay arrimaha nabadgelyada, barwaaqada iyo dimoqraadiyadda gobolka, sida ay sheegtay warbaahintu.

Ku Simaha Danjiraha Maraykanka ayaa ku celiyey baaqii Maraykanka iyo beesha caalamka ee ahaa xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la’aan ah oo laga sameeyo Laascaanood, wuxuuna cambaareeyey khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maalba lahaa ee halkaa ka dhacay.

Wefdigu waxa kale oo ay ka wadahadleen dedaallada loogu jiro hab doorasho oo ku dhisan is afgarad iyo in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.

Waxa kale oo ay la kulmeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo dhallinyarada kala duwan si ay uga wada hadlaan ka qaybgalka dimoqraadiyadda iyo in la dhiso wax loo dhan yahay.

Hadalsame Media