”Weligay ma arag gool aan u dhigo” – Fal-celin caalami ah oo ka timid gool qurux badan oo uu dhaliyey Di Maria (Daawo)

0

(Nantes) 23 Feb 2023 – Angel Di Maria waxaa u riyaaqay taageerayaashu kaddib markii xiddigga reer Argentina uu gool qurux badan u dhaliyay Juventus ciyaartii kala baxa Europa League ay la ciyaareen Nantes oo ay 4-1 direen guud ahaan labada kulan.

Di Maria ayaa baas ka helay Nicolo Fagioli isagoo jooga dhanka midig ee diilinta ganaaxa, iyadoo 35-jirkan uu doortay inuu isku dayo inuu laado kubbad qaroofeey ah oo golxo leh.

Kubbada ayaa deeto iyadoo xoodan geeska sare ka surantey goolka Nantes tiiyoo uu qabtaha kooxdu u muuqdey inuu u haystey inaysan dhici karin in goolkaasi soo xaroon karo.

”Di Maria… waa quruxdaas. Weligey ma arag wax goolkaa la mid ah. Muxuu gool ahaa.” ayuu Twitter-ka kusoo qoray saxafiga kubbadda cagta Talyaaniga Mina Rzouki.

Hadalsame Media