Isku dhex yaac xirfadeed oo ka muuqda hay’adaha muhimka ah ee DF Somalia (Inta hay’adood ee isku dheggan & Bayaannada is diiddan)

0

(Muqdisho) 23 Feb 2023 – Waxaa muuqanaya isku dhex yaac xirfadeed oo laga arkayo hay’adihii ugu muhiimsanaa DF Somalia, iyadoo ay warar is khlifaafsani ay kasoo baxayaan Wasaarado muhim ah sida Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Arrimha Dibedda.

Dhaqankan aysan xirfadlennimada iyo xilkasnimadu ka muuqanin ayaa marka laga soo tago inay halis gelinayaan howlaha laga doonayo DF waxay sidoo kale suurad xumaynayaan muuqaalka Somalia ee dunida, iyagoo dhaawici kara howlihii qaan cafinta maadaama musuq iyo nin tooxsi ay ku jiraan eedaha la isu jeedinayo.

Wasiiru Dowlihii Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cali Cumar (Caananuug) qoraal dheer oo uu soo dhigay degelkiisa ku faahfaahiyey wax uu ku sheegay ”musuq baahsan” iyo wax lagu dulminayo shacabka Soomaaliyeed iyadoo la iska xooray xeerkii dalka, sida uu yiri.

Wasiirkan ayay is khilaafeen Wasiirka Duulista Hawada oo la sheegay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u baabi’isay qandaraaskii hay’ad shidaal siin jirtey diyaaradaha Garoonka Muqdisho, taasoo xitaa halis ku haysa habsami socodka howlaha garoonka iyo Hay’adda Duulista oo muhim u ah dalka.

Waxaana uu khilaafkaasi usii gudbey Wasiiradda iyo Hay’adda Duulista Hawada oo bayaan ay soo saareen shaaca ka qaaday in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal, ay u magacowday nin lagu magacaabo Sakariye Axmed Faarax, oo ay isku beel yihiin, Agaasimaha Maamulka Maaliyadda iyo Adeegyada Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka.

IS DARDARKA ARRIMAHA DIBEDDA – Marka ay halkaa wax u marayaan Wasaaraddan waxaa jirta wasaarad kale oo iyadu iskeed u kala hadlaysa waana tan dibedda oo iska soo daba saartay laba warqadood oo is burrinaya.

Markii hore waxay sheegeen inay arrimaha dal ku galka Kenya ay u xireen shirkad gaar ah oo la yiraahdo Global Tour and Travel Services, balse markii ay musuqan iyo nidaam xumadan qaawan ay bulshadu si adag uga fal-celisey ayay maanta Wasaaraddu markale soo saartay bayaan ay ku beeninayso inay rukhsad noocaasi ah marna bixisay.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya karti xumada iyo hab xirfadda iyo nidaam dowladeed ka arradan ee ay haatan wax u socdaan, iyadoo MW Xasan Sh. Maxamuud oo haatan ku maqan safar aan bulshada loo sheegin danta ku jirta loosoo jeediyey in haddii uu doonayo inuu dhaxal siyaasi ah ka tago oo uu magaciisa dib u dhaqo inuu si la gudboon deg deg ula xaalo xaaladahan foolxumaynaya dowladnimada iyo horay u socodka dalka.

Hadalsame Media