Ruushka oo ka baxay heshiiskii ugu dambeeyey ee xakamaynta Nukliyeerka ee uu kula jirey Maraykanka (Waxa ka dhalanaya?)

0

(Moscow) 22 Feb 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa sheegay in uu joojinayo ka qayb ahaanta heshiiska New START ee xakamaynta hubka nukliyeerka ee uu kula jirey Maraykanka, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii u dambeeyey ee kasoo haray heshiisyada nidaaminaya hubka nukliyeerka ee labada dal ee ugu hubka badan adduunka.

Putin ayaa hadalkan ku sheegay khudbaddiisii sanadlaha ahayd ee qaranka oo uu u jeedinayey Golaha Shacabka Qaranka ee Ruushka.

Heshiiskani waxa uu xaddidayaa tirada hubka Nukliyeerka ah ee ridada dheer ama qaaradaha iskaga goosha ee Maraykanka iyo Ruushka labaduba ay yeelan karaan. Waxaa markii ugu dambaysey la kordhiyey horraantii 2021-kii oo lagu daray muddo shan sano ah, taasoo la micne ah in labada dhinac ay dhowaan u baahnaan doonaan inay ka wada xaajoodaan heshiis kale oo lagu xakamaynayo hubkan halista ah.

Sida ku xusan heshiiska muhimka ah ee xakamaynta hubka nukliyeerka, Maraykanka iyo Ruushka labadaba waxaa loo oggol yahay inay is kormeeraan oo uu midba tago goobaha hubka nukliyeerka ee dalba leeyahay, in kasta oo howlahan la hakiyey tan iyo 2020-kii sababo la xiriira masiibadii Covid-19.

Inkasta oo Ruushku aanu gebi ahaanba ka baxayn heshiiska, haddana waxa ay u muuqataa in ay si rasmi ah usii taagnaanayso halka ay hadda taagan tahay. Waayo muddo bilo ah ayay Saraakiisha Maraykanku ka caraysnaayeen iskaashi la’aan Ruushka ee dhanka heshiiskan.

Hadalsame Media