Maamulka Somaliland oo bedeley mowqifka dagaalka Laascaanood (Maxaa markan cusub?)

0

(Hargaysa) 21 Feb 2023 – Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in weerar saaka lagusoo qaaday xilli ay direen ergo nabadeed sida ay sheegeen.

Ergadada Nabadeed ayay sheegeen inay ku sugan yihiin Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato “rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaaro “colaadda” Magaalada Laascaanood.”

“Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka “kooxo hubaysani” weerar ballaaran kusoo qaaday fariisimada Ciidamada Somaliland oo iska difaacay weerarka lagusoo qaaday.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Somaliland.

Waxaa halkan ku xusan in Maamulku uusan adeegsan kelmaddii ahayd inay la dagaallamayaan “argagixiso”, waxay taa biddaalkeeda adeegsadeen “colaad iyo kooxo hubaysan.”

Somaliland ayaan ilaa haatan hal mowqif ku wajihin dagaalka Laascaanood iyo cidda ay kula dagaallamayaan iyagoo mar sheegay argagixiso, mar Puntland, mar kale DF Somalia, haatanna kooxo hubaysan.

Hadalsame Media