Qannaaska Osimhen oo muujiyey inuu meelaha qaar uga fiican yahay Ronaldo & Messi

0

(Napoli) 21 Feb 2023 – Kooxda SSC Napoli ayaa sanadkan muddo 33 sano ah kaddib ku taamaysa inay hanato horyaalka Talyaaniga.

Waxaa Napoli oo haatan hoggaanka lasii fogaanaysa majaraha u haya jookarka reer Afrika ee Victor Osimhen oo isna 18 gool ku hoggaaminaya gool dhalinta.

Yeelkeede, Osimhen wuxuu sidoo kale sameeyey arrin muujinaysa inuu yahay shiishyahan cajiib ah.

Wuxuu Jimcihii goolkii uu ka dhaliyey Sassuolo ku gaarey goolkiisii 100-aad isagoo saftay 197 kulan, balse midda yaabka lihi waa inuu 100 gool uga hormaray xitaa Messi iyo Ronaldo.

Hadalsame Media