Maxaa kala qabsaday Ramos oo guuldarrada ka caroodey & Niman sawir qaadayaal ah oo uu gacmaha ula tegey (Daawo)

0

(Paris) 15 Feb 2023 Sergio Ramos oo caro la niyad jabsan ayaa weeraray sawir qaadayaal kaddib markii Paris Saint-Germain ay garaacday Bayern Munich tartanka Champions League.

Daafaca PSG ayaa u muuqday mid tuuraya sawir qaade isku dayaya in Neymar oo gadaashiisa taagan uu sawirro ka qaado.

Ramos ayaa waxaa qabtay kaamirooyinka isagoo dhabarka ka riixaya oo tuuraya sawir qaade kaddib markii ay ninkaasi sida muuqata isku dhaceen xilli uu u sacab tumayey taageerayaashii ku sugnaa garoonka Parc des Princes.

Intaa kuma harine, deeto wuu soo jeestay oo wuxuu haddana tuuray sawir qaade kale weliba si awood leh kaddib markii uu aad ugu dhowaaday.

Waxa ay arrintani timid kaddib markii PSG 1-0 ay Bayern ku garaacday lugtii hore ee Wareegga 16-ka habeenkii Talaadada, iyadoo ciyaaryahankoodii hore ee Kingsley Coman uu ka dhaliyey goolka madiga ah ee ciyaarta.

Hadalsame Media