Maxay tahay sababta la iskugu beegay kulanka adag ee Arsenal v Man City & Kulamada CL? (Maxaadan ogayn?)

0

(London) 15 Feb 2023 – Hoggaamiyayaasha Premier League ee Arsenal ayaa caawa marti galin doona kooxda Pep Guardiola ee  Manchester City kulan leh muhiimad aad u wayn oo loogu tartamayo hoggaanka horyaalka – laakiin taageerayaal badan ayaa la yaaban xilliga lagu beegay kulankan.

Kulankan aadka loo wada sugayo waxa uu dhici doonaa isla fiidnimada la ciyaari doono Wareegga 16-ka ee Champions League – waa isla maalinta ay kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea la ciyaari doonto Borussia Dortmund halka naadiga Scott Parker ee Club Brugge uu martigelin doono Benfica.

Ciyaartan ayaa markii hore lagu waday inay dhacdo Arbaca, Oktoobar 19-keeda, laakiin ciyaaro badan oo is dul fuulay dartood, kooxuhu waxa ay ku khasbanaadeen inay ciyaartan muhimka ah ka dhigaan bartamaha toddobaadka.

UEFA waxay caadiyan ka soo horjeeddaa fikradda ah in la ciyaaro kulan horyaal sida midka Premier League isla maalinta uu dhacayo kulan Champions League ah.

Yeelkeede, UEFA ayaa markan samaysay isbeddel kaddib markii uu Premier League iyaga u sameeyey hal axsaan horraantii xilli ciyaareedkan iyadoo dib u agaasin lagu sameeyey kulankii Europa League ee PSV iyo Arsenal.

Kooxda Arteta ayaa loogu talagalay inay la ciyaaraan PSV Khamiista, Sebtembar 15, laakiin dib ayaa loo dhigay kaddib dhimashadii Boqoraddii UK ee Elizabeth II awgeed – taasoo geeriyootay Sebtember 8.

Sidaa darteed, UEFA waxay hadda Premier League u ogolaatay in kulankan adag lagu cawaro ciyaaraha CL ee caawa.

Hadalsame Media