PSG oo caawa wajahaysa Bayern xilli uu dagaal dhexmaray Maamulka & Qaar ka mid ah ciyaartooyda (Inta qof ee ku lug leh & Qofka dusiyey oo…)

0

(Paris) 14 Feb 1023 – Xiddigga Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa si la yaab leh u xaqiijiyey inuu dhacay dagaal ay ku lug leeyihiin isaga, saaxiibkiis Marquinhos iyo Agaasimaha Isboortiga kooxdaasi Luis Campos – isagoo sheegay inuu hadda bilaabay ugaarsiga qofka warkan dusiyey ee ku jira qolka labiska.

Wararka France kasoo baxay todobaadkan ayaa daaha ka qaaday in Campos uu isagoo caro la qaacaya soo galay qolka lebiska kooxda kaddib guuldaradii Sabtidii ka soo gaartay ASC Monaco. Wuxuu ku eedeeyay ciyaartoyda inay ka maqan tahay inay dadaalaan, balse ciyaartooyda qaar ayaan middaas aqbalin.

Waxaa hormuud ka ahaa kacdoonkaasi laacibka kibraaniga ah ee Neymar Jr iyo ninka ay isku dalka yihiin ee Marquinhos, iyadoo dood kululi ay dhexmartay iyaga iyo agaasimaha kaddib guuldarradii afraad ee kooxda soo gaartey sanadkan 2023 oo qura.

Waxay ahayd mid lala yaabay markii Neymar uu khabarkan oo awal xam xam uun ahaa uu usoo bandhigay saxaafadda shirkii jaraa’id ee gegada Parc des Princes kahor kulanka Talaadadan maanta ah ay wareegga 16-ka Champions League ay kula leeyihiin Bayern Munich.

Hadalsame Media