Maraykanka oo 3 dal oo Muslim ah ka joojiyey inay iibsadaan diyaaradaha Ruushka & Kuwiisa oo uu khasab kaga iibiyey (Waa kee dalka Muslimka ah ee ka diidey)

0

(Hadalsame) 14 Feb 1023 – Warka ku saabsan in Iran ay iibsanayso diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee Sukhoi Su-35 ayaa ah calaamaddii ugu dambeeysey ee muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Tehran iyo Moscow.

Tadawurkani waa mid weliba muhim u ah Moscow, kaddib markii sanadihii ugu dambeeyey, uu Maraykanku kansalay qandaraasyo la mid ah kuwa Iran oo ay diyaaradahan Su-35 ee Ruushka ku iibsan lahaayeen dalalka Aljeeriya, Masar iyo Indonesia, balse la joojiyey kaddib cadaadis dhaqaale oo dalalkan uga yimid Maraykanka iyo khatarta cunaqabatayn culus.

Taasi waxay keentay in dalalkani ay taa biddaalkeeda ay iibsadaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee F-15 ama kuwa Faransiiska ee Rafale. Ilaa hadda, Shiinuhu waa dalka kaliya ee ku guulaystey inuu Ruushka ka iibsado diyaaradaha Sukhoi Su-35 isagoo aan u joojin Maraykanka, halka Hindiya ay wada-xaajood kula jirto Moscow.

Laakiin jawiga siyaasad-dhuleed ee cusub ee uu keenay dagaalka Ruushku ku ekeeyey Ukraine, ayaa waxaa ka dhashay in Iran ay noqoto suuqa cusub ee diyaaradaha Ruushka ee casriga ah, taas oo hoosta ka xarriiqaysa xiriirka millateri ee sii kordhaya ee u dhexeeya Moscow iyo Tehran.

Markii ugu horreeysey, Taliyaha Ciidanka Cirka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran (IRIAF), Sarreeye Guuto Hamid Vahedi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Sebtembar 4, 2022, in “iibsiga Sukhoi Su-35 hadda laga wada hadlayo, halkii horay loo hadal hayey Sukhoi Su -30.

”Arrintani waxay ku jirtaa ajendaha, waxaana rajaynaynaa inaan awoodno inaan helno dagaalyahannadan jiilka 4++ mustaqbalka dhow.” ayuu yiri xilligaas.

Shahriar Heidari, oo xubin ka ah Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibedda ee Baarlamaanka Iran, ayaa isna xaqiijiyey Janaayo 15 in “diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi Su-35 ee ay Iran ka dalbatay Ruushku ay imaan doonaan horraanta sanadka 1402 [kalandarka Iran oo bilaabmaya Maarso 21 , 2023].”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in Tehran ay sidoo kale ka dalbatay Ruushka qalab kale oo millateri, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka, nidaamyada gantaalaha iyo helikabtarrada, kuwaas oo intooda badan dhowaan lasoo daabuli doono.

Hadalsame Media