”Waxaa baraha bulshada ka socda dacaayad ceebaysan oo ka dhan ah Jabuuti” – Wasiir Dibadeedka dalkaasi oo mowqifkooda caddeeyey

0

(Jabuuti) 13 Feb 1023 – Dowladda Jabuuti ayaa beenisey inay wax lug ah ku leedahay dagaalka ka socda gobolka Sool ee u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka Sool oo doonaya inay aayohooda ka tashadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf,  oo qoraal kooban ku soo baahiyey bartiisa Twitter-ka ayaa warkiisa u dhigay sidatan:

“Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday dayaacad ceebaysan oo dalkeenna Jabuuti lagu eedaynayey inuu ka qaybqaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la deriska ah”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay Jabuuti ahaan dhexdhexaad ka yihiin kana sii ahaan doonaan arriimaha gobolka Sool islamarkaana aynay u dhaafayn halka ay haatan u joogaan.

“Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada.” ayuu raaciyey Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadalsame Media