Dagaalka Laascaanood oo saaka halkiisii ka bilowday & Somaliland oo hadda ka hadashay

0

(Laascaanood) 11 Feb 2023 – Maamulka Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqay xabad joojin, balse saakay waxaa maalintii 6-aad halkiisii kasii soconaya dagaalka Laascaanood.

Waxaa lasoo sheegayaa in madaafiic lala dhacayo goobaha rayidka ah waxaana si gaar ah loo sheegay in la duqeeyey meelo uu ka mid yahay isbitaalka Gargaar ee Laascaanood.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay sababta ay rasaastu u socoto maadaama ay xalay ku dhawaaqeen xabad joojin.

War Saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka weerar lagu soo qaaday fariisimaha ciidanka Somaliland, sida ay u dhigeen.

“Waxaa saaka fariisimada Ciidanka Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixida ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL way iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Xalay ayay dhanka kale dadka degaanku sheegeen in xabad joojintu ay xeeladaysi tahay.

Hadalsame Media