”Lamaanayaashii hore hadaf ayay lahaan jireen kuwa hadda bilowgiiba waxay ka hadlayaan CADOW cayrsanaya” (Arag heesaha aroosyada laga qaado)

0

(Hadalsame) 11 Feb 2023 – Lamaanihii hore iyo jacaylkoodii. Lammaanihii hore waxay lahaayeen hadaf iyo yool ay noloshooda u diyaarshaan, inkastoo aysan kuligood sidaas ahayn, haddan inta badan ubada iyo aayo qurxoon ayay Eebbe ka filan jireen.

Taas waxa caddayn u ah, suugaantii xilligaas jirtay.
”Reerkii lagu nastee lagu nagaado
Wadajiree nabad gala Allahayoow inaga yeel….

Ubad khayr qabiyo nolol aayatiin wacan

Ilaahoow nasii aamin Alahayoow aamiin….

Ladnaan ladnaan ladnaan ku waaro

Labadii isku raagtee liibaantay ahaada….

Tagto hore iyo timaado dambe labadaba si bay u cabiri jireen.

Hadday sad iyo calaf isku yeeshaana, sooyaalkoodii ayay ka sheekeyn jireen.

Gugeenii waa kaa samaadee

Aroos leynoo gangaamay

Gugeenii waakaa samaadee

Gaaxdii nabsi aynu maalnay…

Hadday isa seegaana samo iyo wanaag bey isku rajayn jireen.

Aniguu weli sidii baan soo dhawoow ku leeyahay

Aniguu weli sidii baan ubax kugu salaamaa

Aniguu weli sidii baan samo kuugu taliyaa….

Lammaanaha hadda!

Lammanaha hadda, inta badan xin iyo cadaw ayay ka hadlaan, mana lahan yool iyo aaye nololeed oo u diyaarsan. Heesahoodu waa wada laqwi iyo wax aad u xun.

Heesaha maanta,in badan waa laqwigii iyo cadaawad.

Anoo kaligeey ah

Kacaa kufay jooga

I kiishay nacabkeygu

Korkeyga qaboojaay….

………………………………….

Nacabku waligii ha daalo

Dibinta ha qaniino xaasid

Ha doorsoomo ciil dartii…

…………………………………

La iloodin kari waa

Libin la iga helo waa

Lurkoodii i geli waa

Laabteyda dumin waa

Nacabkeygu ladi waa……

……………………………..

Adduunyada intaan joogo

Si kastoon u jabo maalin

Cadaw jaanis igu haysta

Uma beer jileecaayo……

…………………………….

Ka nax leyma gaaro

Ka nax nabar ima haweysto

Xaasid iyo nabiibkoow

Ka nax nooca lagu jabaan ahee….

Maxaa kuu soo baxay?

Abwaaniintii hore in ay ahaayeen kuwo caafimaadqaba oo nacayb, xaasidnimo iyo cadaawad midna aan bulshada usoo gudbin.

Dhaxalkii dagaalka sokeeyey, dhaawac qalbiyeed.

W; Q: Nimco Nuur

Hadalsame Media