10-ka dal ee ugu horumarka liita qaaradda Afrika oo lasoo saaray (Somalia maku jirtaa?)

0

(Hadalsame) 09 Feb 2023 – Qormadan waxaan ku eegaynaa 10-ka waddan ee ugu horumarka liita qaaradda cajuusada ah ee Afrika, kuwaasoo lagu eegay heerka ay dalalkani ka joogaan kaabayaasha asaasiga ah iyo raasumaalka dadka.

Waxaa dalalkaa kaalinta 1-aad uga jira dalkeenna Somalia oo ku liita Qiimanta Horumarka Insaanka Human Development Index (HDI) ee ay samayso Hay’adda QM ugu qaybsan horumarinta ee UNDP, waloow dalka dhanka HDI ugu liita aysan Somalia ahayn oo uu yahay dalka South Sudan. Waxaa sidoo kale la qiimeeyey GDP-ga dalalkan.

Somalia ayaa sidoo kale Afrika ugu liidata dhanka Raasumaalka Aadanaha ee HDI, taasoo ka dhigan inaysan lahayn dad leh karti aqooneed ama xirfadeed oo lagu qabto howlaha ay u baahan tahay inay qabsato. Sidoo kale waxay kaalinta 2-aad uga jirtaa dalalka ugu liita dhinaca koritaanka wax soo saarka ee GDP oo ah meelaha lagu cabiro cududda dhaqaale ee dal kasta.

Somaliya ayaa ah dalka ugu horumarka liita qaarada Afrika, waxaana qayb ahaan ugu wacan colaadda daba dheeraaday ee burburiyey kaabayaashii dhaqaalaha iyo raasumaalka insaanka. Dhaqaalaha Somalia ayaa sidoo kale ah mid ku tiirsn beeraha oo u kala baxa beeraha caadiga ah iyo xoolaha nool taasoo ka dhigan in 80% ay shaqooyinka iyo lacagta adagi iyaga ku xiran yihiin. Waloow ay Somalia bado leedahay dhankaa waa ku liidataa inay munaafacaadsato.

Halkan hoose ka eeg liiska oo buuxa:

1. Somalia

Qiimaynta HDI: 1

Qiimaynta GDP: 2

2. Burundi 

Qiimaynta HDI: 6

3. Central African Republic (CAR)

Qiimaynta HDI: 5

4. Niger

Qiimaynta HDI: 3

5. Mozambique

Qiimaynta HDI: 8

Qiimaynta GDP: 5

6. Chad

Qiimaynta HDI: 2

7. Sierra Leone

Qiimaynta HDI: 11

Qiimaynta GDP: 4

8. Democratic Republic of Congo 

Qiimaynta HDI: 12

Qiimaynta GDP: 7

9. South Sudan

Qiimaynta HDI: 1

Qiimaynta GDP: 22

10. Madagascar

Qiimaynta HDI: 18

Qiimaynta GDP: 1

Hadalsame Media