”Messi ma gaarayo Ronaldo?” – Taageerayaasha Ronaldo oo Twitter-ka qarxiyey & Saldhigga dooddooda

0

(Hadalsame) 10 Feb 2023 – Ronaldo oo 3-dii kulan oo ugu dambeeyey hal gool oo rigoore ah ku sheegtey kooxdiisa Al-Nassr ayaa xalay ku faagtey kulankii ay 4-0 ku garaaceen Al-Wehda oo uu 4-ta goolba isagu lahaa.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Ronie uu dhaliyey wax ka badan 500 oo gool taasoo lagu gaari karo in 25 gool la dhaliyo 20 fasal-ciyaareed, waxayna guushii xalay keentay inay mar qura bustaha kasoo hoos baxaan taageerayaasha Ronaldo oo foorjaysnaa tan iyo guushii Messi ee Koobka Adduunka, iyagoo mar qura Twitter-ka dood kulul ku qarxiyey.

Taageerayaashiisa ayaa meelo badan doodda ku dhuftay sida in Ronie uu sanadkan cusub ka goolal badan yahay Messi, inuu kooxdiisa cusub seddaxleey u dhaliyey halka Messi uusan weli Faransiiska ka dhalin taas waloow uu joogey 2 xilli-ciyaareed, inuu 152 gool ku dhaliyey lugtiisa bidix iwm.

Qaar kale intaaba waa ka gudbeen oo waxay Ronaldo ag dhigayaan Mbappe iyo Halland goolasha ay dhaliyeen sanadkan 2023-ka iyagoo kala leh 7, 6 iyo  sida ay u kala horreeyaan. Halkan Guji si aad u aragto fal-celintooda…

May be an image of 2 people and text

Hadalsame Media