DF Somalia oo si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan dagaalka Laascaanood (Daawo)

0

(Muqdisho) 07 Feb 2023 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey caddaysay mowqifkeeda ku aaddan colaadda kasoo cusboonaatay Laascaanood iyo degaanno kale.

MW Xasan Sheekh oo dadwaynaha warbaahinta kala hadlay ayaa soo jeediyey in DF Somalia ay u taagan tahay midnimada umadda Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay xal siyaasi ah oo aan xabbad ku iman, isagoo ku baaqay in dirirta la joojiyo.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa yiri:” Yaynaan ku dul heshiin maydadka iyo xabaasha dushooda, balse aan heshiino inta ay dadkaasi noolyihiin”.

Madaxwayne DF Somalia ayaa sidoo kale qiray muhiimadda qadiyadda Laascaanood, balse wuxuu tusmeeyey wadiiqo kale.

“Arinta Laascaanood waxay ku qotontaa midnimadii aan raadinayey, balse xoog kuma raadinayno midnimadaase nabad baan ku raadinaynaa”. Ayuu soo jeediyey

Halkan ka DAAWO….

Dhanka kale, shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu xalay yeesheen ayaa la isla gartay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF Somalia ay arrintan go’aan kasoo saarto.

Shir Jaraa’id oo ku aaddan mowqifka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”. Ayuu yiri Fiqi.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media