Laacib mar dhow uun ku biiray Newcastle oo durba XABSI wajahaya (Maxaa dhacay?)

0

(Newcastle) 05 Feb 2023 – Saxiixa cusub ee Newcastle Anthony Gordon ayaa laga yaabaa in uu xabsi wajaho kaddib markii lagu qabtay isagoo gaari wada laba maalmood uun kaddib markii lagu ridey xayiraad ku aaddan inuu gaari waddo, sida ay wararku sheegayaan.

Laacibkii hore ee Everton garabka u ahaa u ayaa laga qoray cinwaanno waawayn dhowaan kaddib markii uu lacag badan kula biiray Newcastle goor dambe oo suuqa kala iibsiga ah waxayna u muuqataa inuu markale dib ugu soo laabtay bogagga warbaahibta.

Isniintii, Gordon waxa lagu ridey ganaax lix bilood ah markii uu laba jeer ku guuldarraystay in uu sheego tafaasiisha darawalkii gaarigiisa kaxaynayey, si kastaba ha ahaatee, waxa misna la arkay isagoo gaariga wata laba maalmood uun kaddib.

Sida laga soo xigtey The Sun,  Arbacadii, xiddigga garabka ka ciyaara ayaa lasoo sawiray isagoo wata Mercedes madow oo ah nooca G-Wagon oo ku kacaya £100,000 oo Gini.

Sidoo kale saaxiibtiis ayaa gaariga iyana ku dhex jirtey.

In la iska indhatiro xannibaadaha ay jaraan booliiska waddooyinku waxay u horseedi kartaa ilaa lix bilood oo xarig ah oo ka dhan ah qofka dembiga galay.

Hadalsame Media